Nin Iska Dhigay Boolis oo Lagu Qabtay Qori, Rasaas iyo Agab Boolis oo Been Abuur ah

0
116

Ciidamada dambi-baarista ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay inuu iska dhigayay sarkaal boolis, kadib howlgal degdeg ah oo laga fuliyay L’Arc Casino ee ku yaalla Yaya Centre xaafadda Kilimani saacadihii hore ee Isniinta maanta ah.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Philemon Kiplangat Chepkwony ayaa lagu qabtay gudaha gaari madow oo ay taarikadiisu tahay KCJ 468Z.
Baaritaan lagu sameeyay gaariga ayaa lagu helay bastoolad nooca CZ 75 SP-01, majalad rasaas oo maran, labo katiinad ,shahaado been abuur ah oo muujinaysa inuu yahay askari boolis, iyo sidoo kale shahaado hub oo been abuur ah.
Kadib su’aalo la weydiiyay, eedeysanaha ayaa ciidamada geeyay gurigiisa oo ku yaalla Waluku Village ee waqooyiga Dagoretti, halkaas oo laga helay 100 xabbo oo rasaas ah oo nooca 9mm, kuwaas oo ku jiray laba sanduuq.
Booliska ayaa sheegay in ninka uu hadda ku jiro gacanta ciidamada, iyadoo la diyaarinayo in maxkamad la soo taago.
Baaritaannada ayaa sidoo kale socda si loo ogaado halka uu ka helay hubka iyo rasaasta, iyo baaxadda uu gaarsiisnaa falalka lagu tuhunsan yahay ee uu isku ekaysiinayay askari boolis.
Hubka, rasaasta, agabka la qabtay iyo gaariga ayaa dhammaantood loo hayaa caddeymo inta baaritaanku socdo.