La-taliyaha sare ee milateriga Iiraan, Mohsen Rezaei, ayaa uga digay Maraykanka in maraakiibtiisa iyo ciidamadiisu ay wajihi doonaan “khataro iyo khasaare culus” haddii ay sii waddo xannibaadda badeed ee dekedaha Iiraan.
Rezaei ayaa sheegay in tallaabo kasta oo sii xoojisa cunaqabataynta ama xannibaadda badda ay keeni karto iska horimaad hor leh oo gobolka ka dhaca.
Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in wada-hadallo ay socdaan oo u dhexeeya Washington iyo Tehran, isagoo xusay in wadahadalladaasi ay yihiin “fursaddii ugu dambeysay” ee Iiraan ku gaari karto heshiis lagu soo afjarayo colaadda socotay shantii bilood ee la soo dhaafay.
Hadalladan is khilaafsan ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeysa labada dal, iyadoo beesha caalamku si dhow ula socoto dadaallada diblomaasiyadeed iyo xaaladda amni ee gobolka.




