Xildhibaanka deegaanka Kiharu ee ismaamulka Murang’a , Ndindi Nyoro ayaa tilmaamay inuu ka tagay xisbiga talada waddanka haya ee UDA.
Hasa ahaate, waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu weli la tashanayo ka hor inta uusan ku dhawaaqin tallaabadiisa siyaasadeed ee xigta.
Mudanaha waxaa uu xusay inuu la shaqeyn doono hoggaamiyeyaasha isku fikirka ah ee ku kala qaybsan siyaasadda si loo dejiyo waxa uu ugu yeeray waddo cusub oo dalka loo jiheeyo.
Isagoo ka hadlayay deegaankiisa, Nyoro wuxuu sheegay in go’aannadiisa siyaasadeed ay hagi doonaan danaha dadka Kenya halkii ay ka ahaan lahaayeen cadaadis ka imaanaya qof ama koox siyaasadeed.
Waxaa uu intaasi raaciyey inuu weli ku howlan yahay wada tashi ballaaran.




