Maamulka Nairobi ayaa bixiyay ogeysiis toddoba maalmood ah oo shacabka loogu sheegayo inay aqoonsadaan oo qaataan 473 meyd oo aan weli la sheegan, kuwaas oo yaalla xaruunta meydadka lagu keydiyo ee Nairobi Funeral Home, oo hore loogu yaqaanay Nairobi City Mortuary.
Ogeysiiska oo ay soo saartay waaxda Caafimaadka, Nafaqada iyo Fayo-qabka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in meydadkan ay xarunta yaalleen tan iyo markii la keenay, iyagoo sugaya in eheladooda ama dadkii ay khuseeyeen ay aqoonsadaan oo qaataan.
Maamulka ayaa ehelada, asxaabta iyo cid kasta oo laga yaabo inay garanayso dadka ku jira liiska ugu baaqay inay hubiyaan magacyada iyo xogta meydadka, ayna soo sheegaan haddii ay aqoonsadaan qof ay yaqaannaan.
Ogeysiiskan ayaa lagu soo saaray iyadoo la raacayo Xeerka Caafimaadka Dadweynaha, Cutubka 242, iyo Xeerarka Caafimaadka Dadweynaha ee Maamula Meydadka, ee soo baxay 1991-kii.
Maamulka Nairobi ayaa ka digay in haddii meydadka aan la aqoonsan ama la qaadan muddo toddoba maalmood ah, ay tallaabo ka qaadi doonto sidii uu u heli lahaa oggolaansho sharci ah oo lagu aaso ama lagu maareeyo meydadkaas.
Liiska oo ku taariikhaysan 18-ka Maarso 2026 ayaa ka kooban guud ahaan 473-da meyd.
Sababaha dhimashada dadka ku jira liiska waxaa ka mid ah dhimasho dabiici ah, dhimasho kedis ah, shilal, kuwa dil loo malaynayo, qarqamid, dilal ay kooxo dad geysteen iyo dhimasho aan la garanayn, iyo sababo kale.
Bishii Maarso, Isbitaalka Kenyatta National Hospital KNH ayaa isaguna soo saaray ogeysiis dadweyne oo qoysaska iyo shacabka loogu baaqayay inay qaataan 480 meyd oo aan la sheegan oo ku jira xaruunta meydadka ee isbitaalka.
KNH ayaa ka digay in meydadkaas la maareyn doono toddoba maalmood gudahood haddii aan la aqoonsan oo aan cidina sheegan.
Ogeysiiska oo la daabacay 24-kii Maarso ayaa lagu sheegay in meydadka ay ka kooban yihiin 102 qof oo waaweyn iyo 378 carruur ah.
Maamulka KNH ayaa ehelada iyo mas’uuliyiinta carruurta ku boorriyay inay sida ugu dhakhsaha badan u aqoonsadaan oo u qaataan meydadka, si looga fogaado in tallaabo sharci ah laga qaado.
Sida uu dhigayo sharciga Kenya, isbitaallada ayaa loo oggol yahay inay maareeyaan meydadka muddo dheer aan la sheegan, taas oo caadi ahaan u dhexeysa 21 maalmood ilaa saddex bilood, kaddib marka la bixiyo ogeysiis dadweyne lana helo amar maxkamadeed.




