Wakiilka haweenka ee ismaamulka Nairobi Esther Passaris ayaa codsatay in si degdeg ah dhiig loogu shubo dadkii dhaawacmay ee waxyeellada ka soo gaartay qarax ka dhashay gaari gaas siday oo ku sugnaa deegaanka Embakasi.
Waxaa ay ku boorrisay dadweynaha inay booqdaan isbitaallada Mama Lucy, isbitaalka qaran ee Kenyatta (KNH) iyo xarumaha caafimaadka ee ugu dhow si ay u shubaan dhiig.
Baaqa wakiilka haweenka ee Nairobi ayaa ku soo aadaya iyadoo saddex qof ay dhinteen halka in ka badan 280 kale ay dhaawacyo soo gareen ka dib markii uu qarxay gaari xamuul oo siday gaas, kaas oo ku sugnaa aaga Mradi ee deegaanka Embakasi ee magaalada Nairobi.
Wakiilka haweenka ee Nairobi ayaa sidoo kale sheegtay inay murugada la qaybsaneyso qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in guryo aagaasi ku yaalla uu dabka ka dhashay gaaska saameeyay, halka gawaari dhowr ah ay gubteen iyo dukaamo goobtaasi ku yaalla.
Mid ka mid dadka goobta dhacadadan laga soo tabiyay ku sugnaa oo uu dhaawac fudud soo garay ayaa warbaahinta la wadaagay xaaladdu sida ay ahayd.




