Mudavadi oo EAC ugu baaqay xallinta baahiyaha dhallinyarada

0
366

Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi, ayaa dalalka xubnaha ka ah Jaaliyadda Bariga Afrika ee EAC ku boorriyay in ay dardargeliyaan isdhexgalka shacabka gobolka.
Sidoo kale waxaa uu dowladahan ka codsaday in ay xalliyaan baahiyaha dhallinyarada gobolka.
Mudavadi ayaa shirka wasiirrada jaaliyaddan uga socdo Zanzibar ka sheegay in ay lagama maarmaan tahay in da’yarta laga qayb geliyo arrimaha maamulka.
Waxaa uu xusay in tani ay fududeyn karto ka dhabeynta himilooyinka dhallinyarada oo uu sheegay in ay tiradoodu u dhiganta boqolkiiba 70 ee dadka ku nool Bariga Afrika.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay sida dhallinyarada kenyaanka ah ay iyagoo adeegsanaya horumarka tiknolojiyadeed isku abaabuleen si ay u sameeyaan isbeddel bulsho.
Musalia Mudavadi ayaa tilmaamay in maamullada jira looga baahan yahay in ay mar kasta fursadda siiyaan wada xaajoodyada si loo xalliyo caqabadaha taagan.
Sidoo kale waxaa uu soo dhaweeyay Soomaaliya oo ah xubintii ugu dambeysay ee ku biirtay EAC.
Waxaa uu hoggaanka Soomaaliya ku bogaadiyay in ay ka go’an tahay adkeysiga iyo iskaashiga gobolka.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee xubnaha EAC-da ayaa ka wada hadlaya istaraatiijiyooyinka lagu xoojin karo amniga, isdhexgalka shacabka gobolka , horumarka waara, dadaallada lagu xallinaya caqabadaha gobolka iyo horumarka dhaqaale.