Madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa dhakhaatiirta ku boorriyay in ay wada hadal wax ku ool ah la yeeshaan dowladda si xal loogu helo shaqo joojinta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabadii ay saraakiisha ku dhaqaaqeen bartamihii bishii Saddexaad ee sanadkan in ay saameyn wayn ku yeelatay hannaanka caafimaadka guud.
Baaqan ayuu madaxa wasiirrada ee dalka diray xilli uu ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta uga qayb galay shirka sanadlaha ee sayniska ee 23-aad ee ururka ay ku mideysan yihiin khuburrada xanuunnada carruurta.
Dhakhaatiirta ayaa ku adkeysanaya in ay shaqo joojinta soo afjari doonin ilaa iyo inta ay wasaaradda caafimaadka ee dalka ka dhaqangelinaysa heshiis gorgortan ku saleysnaa oo ay wada saxiixdeen sanadkii 2017-kii.
Waxay dalbanayaan in la wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan sida mushaar kordhin, dallacsiin iyo in la howlgeliyo ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee maray tijaabada shaqada.




