Waxaa maanta dalka ka billowday baroordiiq qaran oo socon doono saddex cishe.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sheegay in muddadan hoos loo dhigaya calanka dalka ,midka militiriga iyo calanka bulshada Bariga Afrika.
Tani ayaa timid ka dib markii ay shalay taliyihii guud ee ciidanka difaaca dalka General Francis Ogolla iyo 9 sarkaal oo kale ay ku geeriyoodeen shil diyaaradeed oo ka dhacay aagga Sindar area ee ismaamulka Elgeyo Marakwet.




