Mudavadi oo amaanay xiriirka Kenya iyo Imaaraatka

0
317

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa amaanay xiriirka ka dhexeeya dowladaha Kenya iyo Isu tagga Imaaraatka Carabta ee (UAE).
Waxaa uu Imaaraatka uga mahadceliyay in ay fursado shaqo siisay ugu yaraan 30,000 oo qof oo kenyaan ah oo la howlgalo Bariga Dhexe.
Mudavadi ayaa dhanka kale xaqiijiyay sida ay dowladda Kenya uga go’an tahay sare u qaadidda xiriirka kala dhexeeya Imaaraatka si loo sii ballaariyo fursadaha u furan muwaadiniinta xirfadleyaasha ah.
Waxaa uu UAE-da ku tilmaamay dal ku wanaagsan dhanka soo dhaweynta.
Kenyaanka ugu badan ee ka howlgalo Imaaraatka ayuu Musalia Mudavadi sheegay in ay qabtaan shaqooyinka guriyaha.
Arrintan ayuu ka sheegay meertada 4-aad ee guddiga iskudhafka ah ee iskaashiga labada waddan ee (JCC).
Waxaa uu sidoo kale Kenya iyo Imaaraatka ku boorriyay in ay dardargeliyaan dhaqangelinta heshiis la xiriira iskaashiga dhanka shaqaaleysiinta kaasi oo ay wada saxiixdeen sanadkii 2018-kii.
Musalia Mudavadi ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo xeerarka qorshahan ku aaddan ee ay lagama maarmaanka tahay.