Maraykanka oo ansixiyay in Israa’iil hub looga iibiyo 20 bilyan oo doollar

0
443

Dowladda Maraykanka ayaa meel marisay qorsho ay Israa’iil uga iibinaysa hub oo ku kacaya 20 bilyan oo doollar.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo walaac laga muujinaya in Israa’iil ay ku xadgudbaysa xeerarka caalamiga ah maadaama ay duullaan militari ka wado Qaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto ee Falastiin.
Meel marinta qorshaha hubka looga iibinaya Israa’iil waxaa shaacisay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka .
Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee xukuumadda Washington Antony Blinken ayaa sheegay in hubka laga iibinaya Israa’iil ay ka mid yihiin diyaaradaha dagaalka , dabbaabadaha dagaalka iyo madaafiicda loo adeegsado weerarrada cirka.