Militariga Kuuriyada Koonfureed oo xaqiijiyay in shacab ay ku dhaawacmeen bambooyin

0
566

Militariga qaabilsan ilaalinta hawada ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijiyay in dad shacab ah ay ku dhaawacmeen ilaa 8 bambooyin ah oo ay mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka si aan ula kac ahayn ugu ridday goob uu ka socday tababar.
Dhacdadan ayaa maanta laga soo tabiyay magaalada Pocheon oo qiyaastii 25 kiilomitir dhanka Koonfureed uga beegan xadka Kuuriyada Waqooyi.
Bayaanka militariga waxaa ku cad in ay si wayn uga qoomamoonayaan dhacdadaasi ayna caafimaad degdeg ah u rajeynayaan dadka ku dhaawacmay.
Waxay ciidamadu sheegeen in ay soo dhiseen guddi baaritaan ku sameeya dhacdadaasi si loo qaado tallaabooyinka xiga oo ay ka mid tahay bixinta magdhow.