Militariga Israa’iil oo ku sii fogaanaya Rafah

0
321

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay ku sii fogaanayaan bariga magaalada Rafah.
Saraakiisha qalabka sida ee Israa’iil ayaa saaka gudaha u galay degmooyinka al-Jnaina, as-Salam iyo Brazil.
Ciidamada ayaa isku diyaarinaya in ay sii ballaariyaan howlgalka militari.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo tobanaan kun oo qof ay ka qaxeen Rafah ka dib digniintii ay soo saartay Israa’iil.