Militariga Guinea oo aqbalay in labo sano gudahooda talada dib loogu celiyo rayidka

0
570

Maamulka militariga ee dalka Guinea ayaa oggolaaday in labo sano ka dib uu talada ku wareejiyo dowlad rayid ah.
Tani ayaa timid ka dib markii xayiraado la saaray .
Dalladda dhaqaale ee waddamada Galbeedka qaaradda Afrika ee ECOWAS ayaa maamulka militariga ee dalka Guinea ku soo rogtay cunaqabateynta ka dib markii ay sheegeen inay xukunka ku wareejinayaan saddex sano gudahooda.
Bishii hore ayay ahayd markii madaxda Galbeedka Afrika ay dowladda Guinea ka saareen ECOWAS.
Madaxa militariga ee dalkaasi Colonel Mamady Doumbouya ayaa sheegay in jadwalka cusub ee xil wareejinta uu billaaban doono 1-da bisha koowaad ee sanadka, 2023.