Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa laashay codsi uu gudbiyay xildhibaanka deegaanka Magarini ee ismaamulka Kilifi Harrison Kombe.
Waxaa uu ka soo horjeeday go’aan lagu buriyay guushii uga soo hooyatay doorashadii guud ee sanadkii 2022-kii.
Garsoorayaasha kala ah Smokin Wanjala, Njoki Ndung’u, Isaac Lenaola, William Ouko iyo Maxamad Ibraahim ayaa ayiday go’aankii maxkamadda racfaanka iyo maxkamadda sare.
Waxay xaakinnada isku raaceen in xilligii mas’uulkan la soo dooranayay ay jireen qaladaad badan oo dhanka codeynta.
Maxkamadda ayaa amartay in doorasho ku celis ah lagu qabto deegaan baarlamaneedka Magarini ee Kilifi.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) ayaa lagu amray inuu shaaciyo in kursi baarlamaneedka Magarini uu bannaan yahay iyo xilliga doorasho ku celis ah la qabanaya.
Home Wararka Kenya Maxkamadda Supreme Court oo ayidday go’aankii lagu buriyay guushii xildhibaanka Magarini