Maxkamadda sare ee dalka ayaa diiday inay bixiso amar ay si ku meel ku joojinayso in baarlamaanka uu ka dooda mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenka waddanka Rigathi Gachagua.
Waxaa codsiga ay maxkamadda diiday gudbiyay xoghayihii guud ee hore ee xisbiga talada dalka haya ee UDA Cleophas Malala.
Cleophas Malala ayaa doonayay in maxkamadda ay golaha qaran ee xeer dejinta iyo aqalka sare ka mamnuucdo in ay ka doodaan ama ay ku dhaqaaqaan mooshinka xil ka ka qaadista ee ka dhanka ah Gachagua.
Malala ayaa ku dooday in labada aqal aynan haysanin shuruudihii looga baahnaa ee ah saddex meelood labo meel, sidaas darteedna ay jabinayaan qodobbada dastuurka ku xusan.
Dhanka kale, garsooraha maxkamadda sare Bahati Mwamuye ayaa amray in dacwadda loo gudbiyay mudnaan la siiyo islamarkaana la dhageysan doona 7-da bisha soo socota.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah uu sheegay in mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah Gachagua la horgeyn doono golaha qaran ee xeer dejinta abaare 2:30 duhurnimo ee berri.