Maxkamadda sare ee dalka laanteeda magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa guddiga qaran ee dhulalka ee NLC ku amartay inuu lacag dhan 9.3 milyan oo shilin siiyo shirkadda bixisa adeegyada sharciga ee Tom Ojienda and Associates.
Lacagtan ayaa ah qarashaadka adeegyada sharciga ee ay shirkaddu u fidisay NLC.
Waxaa amarka maxkamadda ku dhawaaqay garsoore Robert Wananda.
Xaakinka ayaa xusay in ay caddaatay in guddiga qaran ee arrimaha dhulalka uunan bixin lacagaha ay ku yeelatay shirkadda senatarka ismaamulka Kisumu Prof. Tom Ojienda in kastoo sidaasi la faray.
Sidoo kale , NLC ayaa laga doonaya in ay bixiso lacag dulsaar oo ah boqolkiiba 14 sanad kasta ilaa inta ay ka gudaysa qarashaadka uga maqan shirkadda.
Waxaa guddiga laga doonaya inuu shirkaddan siiyo 468,700 oo shilin oo dheeraad ah oo uga baxday dacwadda maxkamadeed.