Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hindise sharciyeedka ka dhanka ah daneysiga waxaa uu dib ugu celiyay baarlamaanka.
Waxaa uu sheegay in hindisahan uunan ahayn mid ku saleysan rajooyinka kenyaanka.
Qoraalkan ayaa waxaa ku cad in shaqaalaha dowladda ay mamnuuc ka tahay inay sameeyaan waxyaabo liddi ku ah danta guud .
Isbeddelkan uu baarlamaanka ansixiyay ayaa xildhibaannada, barasaabyada ismaamullada, golaha wasiirrada, xoghayeyaasha wasaaradaha iyo madaxda shirkadaha dowladda u oggolaanaya in ay qandaraasyo ka raadsadaan hay’adaha dowliga ah.
Hasa ahaate, hoggaamiyaha qaranka ayaa hoosta ka xarriiqay in la sameeyay isbeddelo lagu doonaya in lagu xaddido awoodaha guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC iyo dadaalladiisa ka dhanka ah wax isdaba marinta.
Madaxweynaha ayaa baarlamaanka iyo aqalka sare ka codsaday in ay soo saaraan xeerar adag oo lagula dagaallami karo musuqmaasuqa.
Waxaa uu xusay in mas’uuliyad wadareedda saaran hoggaamiyaasha ay tahay wanaajinta dhaqaalaha dalka, in dhallinyarada fursado shaqo loo abuuro , sare u qaadidda daryeelka caafimaad, nadaafadda iyo kuwa kale.