Maxkamadda oo u yeertay xildhibaankii hore ee Koonfurta Mandera oo lala xiriiriyay lunsashada 51 milyan oo shilin

0
424

Maxkamadda dalka ee laanteeda qaabilsan la dagaalanka musuqmaasuq ee qaybteeda ismaamulka Mombasa ayaa u yeertay xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaaneedka Koonfurta Mandera Aadan Xaaji Sheekh, si uu uga jawaabo eedeymo la xiriira musuqmaasuq.
Mudanahan hore ayaa laga doonaya inuu maxkamadda hor yimaado 13-ka bishan.
Baaritaano uu sameeyay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa lagu ogaaday in Aadan Xaaji Sheekh uu lunsaday lacag dhan 51.4 milyan oo shilin.
Xildhibaankan hore ayaa lagu eedeyay in muddadii uu xubin ka ahaa guddiga fulinta ee wasaaradda dalxiiska ee ismaamulka Kwale uu ku guuldareystay inuu shaaciyo xiriirka kala dhexeyay huteelka Lofta Resort Limited, oo qandaraasyo dhanka adeegyada jiifka iyo shirarka siiyay maamulka dowlad deegaankaasi intii u dhexeysay sanadihii 2013 ilaa 2017-kii.
Baaritaano dheeraad ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Aadan Xaaji, xaaskiisa Faaduma Ibraahim Roba iyo wiilkiisa Calibashiir Aadan loo diiwaangeliyay maamulayaasha huteelkaasi islamarkaana aynan shaacin qabkii lacagahaasi ku heleen.