Ciidamada militariga Israa’iil ayaa shan qof ku xiray magaalada Tulkarem ee Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin.
Waxaa sidatan ku warrantay wakaaladda wararka ee Falasiin ee WAFA.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaas ay isweydaarsadeen intii uu socday iska hor imaadyo magaaladaasi ku dhexmaray dagaalyahanada wax iska caabinta ee Falastiin iyo ciidamada Israa’iil, balse lama soo sheegin wax khasaare ah.
Wakaaladda Wafa ayaa sidoo kale sheegtay in militariga Israa’iil ay saddex qof ku xireen magaalada Ramallah iyadoo dhanka kale 3 ruux lagu xiray magaalada Halhul oo ku taalla Waqooyiga Hebron ee wadanka Falastiin.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sidoo kale tabinaysa dagaal ka dhacay xerada Al-Cayn ee magaalada Nablus.




