Maxkamadda sare ee dalka ayaa amar ku bixisay in dib loo furo qaybaha ay ardayda seexdaan ee dugsiga hoose dhexe ee Hillside Endarasha Academy ee ismaamulka Nyeri.
Waxaa amarkan soo saaray garsoore Magare Dennis Kizito oo laalay amarkii 17-kii bishan Tobnaad ee ahaa in aan qaybaha jiifka ee dugsigaasi la furi karin maadaama wasaaradda waxbarashada ee waddanka weli laga sugaya warbixin xaqiijinaysa badqabka ardayda.
Hasa ahaate, maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Nyeri ayaa go’aamisay in ardayda sameynaya imtixaanka fasalka 6-aad ee (KPSEA) ay dugsiga ku sii sugnaadaan inta ay isku diyaarinayaan imtixaanka.
5-tii bishii Sagalaad ee sanadkan ayay ahayd markii dab ka kacay qaybta jiifka ee dugsiga hoose dhexe ee Hillside Endarasha Academy ee dowlad deegaanka Nyeri ay ku dhinteen 21 arday ah.