Maxkamadda oo go’aaminaysa inuu xabsiga ku sii jiraya milkiilaha xarunta gaaska ee Embakasi iyo in kale

0
285

Maxkamadda milimani ee magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa inay maanta go’aan ka soo saarto codsi uga yimid waaxda dambi baarista dalka ee (DCI).
DCI ayaa doonaysa in maxkamadda ay laamaha ammaanka u oggolaato inay muddo 21 cishe ah xabsiga ku hayaan milkiilaha shirkadda gaaska ee aagga Mradi ee deegaan baarlamaneedka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi Derrick Kimathi.
Waxaa lala xiriirinaya qarax ka dhashay gaaska cuntada lagu karsado oo Khamiistii hore aaggaasi laga soo tabiyay.
Waxaa dhacdadaasi ku dhintay 6 qof halka ku dhawaad 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Shalay ayay ahayd markii ganacsadaha maxkamadda la soo taagay balse maanta ayaa la ogaan doonaa in maxkamaddu ay tixgelin doonto codsiga DCI-da iyo in kale.