Maamullada ammaanka ee dalka Ukraine ayaa ciidamada Ruushka ku eedeynaya inay duqeeyeen dugsi ku yaalla magaallada ay howlgallada sida wayn u saameeyeen ee Mariupol.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy waxaa uu kala diray 11 xisbi oo uu ku tuhmayo inay gacan saar la leeyihiin Ruushka.
Waxaa uu xusay in dhaqdhaqaaqyada siyaasiyiinta ka tirsan xisbiyadan oo ah kuwo looga gol-leeyahay kala qaybinta shacabka aan lagu guulaysan doonin.
Sidoo kale madaxweyne Zelenskyy ayaa weerarrada uu Ruushku ka wado magaalada Mariupol ku sifeeyay dembiyo dagaal.
Dhanka kale wasaaradda gaashaandhigga ee Ingiriiska waxay sheegaysa in dowladda Ruushka aysan la wareegin maamulka hawada sare ee wadanka Ukraine.
Shiinaha ayaa dhankiisa xusay inuu u taagan yahay xoojinta nabadgalyada iyo diidmada dagaalka sidaas awgeedna wakhtiga ku habboon uu caddeyn doono mowqifkiisa duullaanka militari ee Ruushka uu 24-kii Febraayo ku qaaday Ukraine.
Qaramada midoobay ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 847 qof oo shacab ah lagu dilay gudaha dalka Ukraine.
Sidoo kale waxaa gudaha Ukraine ku barakacay 6.5 milyan qof halka tirada guud ee qaxootiga ay tahay 10 milyan sida laga soo xigtay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR.
Ruushka ayaa dhankiisa ku andacoonaya in markii ugu horreysay uu nooca gantaalka ee Kinzhal uu u adeegsaday Ukraine.




