Madaxa waaxda cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ayaa sheegtay in qorshaha ay xubnaha ururka garsoorayaasha waddanka ee KMJA ay ku hakinayaan howlahooda uu yahay mid laga habboon yahay.
Dhawaan ayay ahayd markii uu ururkan shaaciyay in xubnihiisa aynan maxkamadaha ka howlgeli doonin 19-ka ilaa 21-ka bishan 6-aad ee June.
Waxay tani ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin toogashadii Khamiistii hore loo gaystay garsoorihii sare ee maxkamadda Makadara ee ismaamulka Nairobi Monica Kivuti.
Garsoorayaasha ayaa dalbanaya jawi wanaagsan oo ay ku shaqeyn karaan oo aynan naftooda halis ku galeyn.
Hasa ahaate , madaxa cadaaladda dalka , garsoore Martha Koome ayaa maanta sheegtay in qaabka ugu wanaagsan ee ay xaakinnada ku sharfi karaan Kivuti ay tahay in ay sii wadaan bixinta adeegyada sida waafaqsan dastuurka dalka.