Safaaradda Maraykanka ee Sacuudi Carabiya oo ka digtay weerarro Xuutiyiinta iyo hanjabaado ka imanaya Iiraan

0
58

Safaaradda Maraykanka ee magaalada Riyadh ayaa muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Sacuudi Carabiya iyo guud ahaan Bariga Dhexe ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, iyadoo ka digtay khataro ka imanaya Xuutiyiinta ay taageerto Iiraan iyo dadaallo la sheegay in Iiraan ay ku doonayso inay ku bartilmaameedsato saraakiisha dowladda Maraykanka.
Digniin amni oo lagu baahiyay barta X, ayay safaaraddu ku sheegtay in Xuutiyiintu hore weerarro uga geysteen Sacuudi Carabiya, kuwaas oo ay ku jiraan duqeymo lagu qaaday garoomada diyaaradaha rayidka iyo kaabeyaasha kale ee muhiimka ah. Weerarradaasi waxay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, iyo sidoo kale hakad xooggan oo ku yimid isu-socodka safarrada.
“Colaadahani waxay si degdeg ah ugu fidi karaan meelo ka baxsan aagga ay hadda ka socdaan,” ayay safaaraddu ka digtay.
Hawlgalka diblomaasiyadeed ee Maraykanka ayaa sidoo kale muwaadiniintiisa ugu baaqay inay dib u eegaan digniinta safarka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ka soo saartay Sacuudi Carabiya, si ay u helaan xog dheeraad ah oo la xiriirta amniga iyo talooyinka ay tahay inay raacaan.
Digniintan ayaa timid xilli uu socdo dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iiraan.