Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Isniintii soo saartay bayaan wadajir ah oo ay saxiixeen 30 dal oo kale, kaas oo looga digay xaaladda cuntada ee Suudaan oo si walaac leh uga sii daraysa colaadda dalka ka taagan awgeed. Dalalka ayaa ku baaqay in tallaabo degdeg ah laga qaado xaaladda.
Shaqaalaha gargaarka bani’aadannimo ayaa qiyaasaya in dagaalka u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan iyo xoogagga Milateriga Taageerada Degdegga ah (RSF), oo billowday bishii Abriil 2023, uu sababay dhimashada in ka badan 200,000 oo qof, barakaca in ka badan 13 milyan oo qof, isla markaana uu abuuray dhibaatooyinka ugu waaweyn dunida ee gaajada iyo barakaca.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in in ka badan 40 boqolkiiba dadka Suudaan, oo lagu qiyaasay 19.5 milyan oo qof, ay wajahayaan cunto yari ba’an. Waxaa ka mid ah shan milyan oo qof oo ay xaaladdoodu gaartay heer degdeg ah oo u baahan gargaar.
“ haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin si loo beddelo jihada ay xaaladdu ku socoto, tirada carruurta la ildaran nafaqo-darro ba’an oo daran waxay ka badan kartaa 825,000 oo la saadaaliyey,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Waxaa sidoo kale lagu xusay in la filayo in meelaha dalka ee ay ka jirto cunto-yaridu ay laba jibbaarmaan.
31-da dal ee bayaanka saxiixay ayaa dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay inay meesha ka saaraan dhammaan caqabadaha hortaagan gargaarka bani’aadannimo, ayna oggolaadaan fududeeyaanna in gargaarku si buuxda, ammaan ah, degdeg ah oo aan carqalad lahayn ku gaaro dadka u baahan. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la ilaaliyo shaqaalaha gargaarka bani’aadannimo.
Bayaanka uu soo saaray Mareykanka waxaa sidoo kale saxiixay dowladaha Australia, Austria, Belgium, Bulgaria, Canada, Croatia, Cyprus, Jamhuuriyadda Czech, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Hungary, Latvia, Luxembourg, Malta, Netherlands, Norway, Poland, Portugal, Romania, Slovakia, Slovenia, Spain, Sweden, Switzerland iyo Boqortooyada Midowday ee UK.




