Maxkamadda Sare ee Kajiado oo mamnuucday in mashaariicda dadweynaha lagu xardho magacyada siyaasiyiinta

0
87

Maxkamadda Sare ee Kajiado ayaa ku dhawaaqday in ku xardhidda mashaariicda lagu maalgeliyo hantida dadweynaha magacyada iyo sawirrada shakhsiyaadka ay ka hor imanayso qiyamka qaranka Kenya iyo mabaadi’da dowlad-wanaagga.
Go’aankan ayaa ka dhashay dacwad ka dhan ah adeegsiga kaabeyaasha dhaqaalaha ee lagu maalgeliyo canshuurta dadweynaha si siyaasiyiin gaar ahi sumcad ugu raadsadaan.
Dacwadda waxaa soo gudbiyay Shadrack Wambui, isaga oo adeegsanaya hay’adda Sheria Mtaani, kana dhan ah xildhibaanka deegaanka Woqooyiga Kajiado , Onesmus Ngogoyo. Ninkani wuxuu ku eedeeyay xildhibaanka in mashaariicda dadweynaha lagu xardhay sawirkiisa, magaciisa iyo halku-dhigyo siyaasadeed.
Codsiga loo gudbiyay maxkamadda, Wambui wuxuu xildhibaanka ku eedeeyay inuu kaabeyaasha dadweynaha, oo ay ku jiraan waddooyinka, dugsiyada iyo xarumaha caafimaadka, u adeegsaday boorar uu ku xayeysiiyo naftiisa iyo ololihiisa siyaasadeed.
Wuxuu ku dooday in dhaqankaasi uu wiiqayo isla-xisaabtanka dadweynaha, hufnaanta doorashooyinka iyo mabaadi’da dastuuriga ah ee hagaya maareynta hantida dadweynaha.
Sida lagu sheegay dacwadda, qaar ka mid ah mashaariicda lagu arkay summadaha lagu muransan yahay ayaa la sheegay in la bilaabay ka hor intii uusan Ngogoyo xilka la wareegin. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan in mashaariicda lagu maalgeliyo hantida dadweynaha si khaldan loogu nisbeeyo siyaasiyiin gaar ah.
Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay in laga saaro mashaariicda lagu maalgeliyo hantida dadweynaha ee deegaanka Kajiado North summadaha ay ku qoran yihiin magacyada shaqsiyaadka.
Hase yeeshee, maxkamaddu waxay sheegtay in aan la qancin in ninka dacwada soo gudbiyay uu caddeeyay in Ngogoyo, si toos ah ama isaga oo adeegsanaya wakiilladiisa ama shaqaalihiisa, uu oggolaaday in calaamadaha lagu muransan yahay la dhigo mashaariicdaas.
Dhanka kale, maxkamaddu waxay ku dhawaaqday in ku xardhidda mashaariicda lagu maalgeliyo hantida dadweynaha magacyada ama summadaha shaqsiyaadka ay ka hor imanayso mabaadi’da dastuuriga ah ee hagaya isticmaalka hantida dadweynaha.