Makueni: Qoys dalbaday baaris ku saabsan dhaawac halis ah oo ehelkooda ku soo gaaray gudaha xabsiga booliiska

0
391

Qoys ku nool tuulada Tusunini ee dowlad deegaanka Makueni ayaa raadinaya caddaalad ka dib markii ehelkooda oo lagu magacaabo Moses Maingi oo 28 sano jir ahaa uu u dhintay dhaawac la sheegay inuu soo gaaray xilli uu ku jiray gacanta booliiska gar ahaan saldhigga booliiska ee Nunguni, kaddib markii la xiray 8-dii bishan Janaayo.
Maingi ayaa loo xiray isagoo lagu soo eedeeyay rabshad uu ka geestay baar lagu caweeyo.
Qoyska ayaa ku baaqay in hay’adaha dowladda ay baaritaan sameeyaan oo dadka ka masuulka ah tacaddiga la hor keeno sharciga.
Hay’adda Madaxa banaan ee Kormeerka ku sameeyso howlaha Booliiska ee (IPOA) ayaa horey u bilowday baaritaan, iyadoo dhowr qof la diiwaan geliyay. Taliska booliiska Kilungu ayaa beeniyay eedeymaha ah in saraakiishooda ay dhawaca u geesteen Maingi.