Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in munaasabadda dhagax-dhigga warshadda sifaynta shidaalka ee East Africa Refinery, oo lagu qiimeeyay KSh2 tiriliyan, ay ka dhici doonto Lamu sida qorshuhu yahay maalinta Arbacada.
Madaxweyne Ruto ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo munaasabadda dhagax-dhigga oo ka dhici doonta Dekedda Lamu, waxaana ka qayb geli doona madax iyo mas’uuliyiin ka tirsan dalalka gobolka iyo marti sharaf kale.
Ruto oo Talaadadii ka hadlayay xaflad lagu qaybinayay waraaqaha lahaanshaha dhulka ee dadka deegaanka Kilifi ayaa sheegay in mashruucan uu wax weyn ka beddeli doono dhaqaalaha Kenya, isla markaana uu abuuri doono kumannaan fursadood oo shaqo.
“Ilaahay idankiis, Insha Allah, berri waxaan dhagax-dhigeynaa warshadda sifaynta shidaalka ee Lamu oo ku kacaysa KSh2 tiriliyan. Waxaan rabaa inaan idiin sheego in warshaddani ay wax weyn ka beddeli doonto qayb ballaaran oo ka mid ah dhaqaalaha qarankeena,” ayuu yiri Ruto.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale eedeeyay dadka ka horjeeda mashruuca, isagoo sheegay inay isku dayayaan inay carqaladeeyaan maalgashiga iyagoo adeegsanaya dacwado maxkamadeed iyo hadallo ay warbaahinta ka jeedinayaan.
Ruto ayaa sidoo kale xusay inuu ka digayo in dano gaar ah ama “dilaaliin” ay hor istaagaan maalgashiyo waaweyn oo Kenya ka dhaca. Wuxuu tusaale u soo qaatay qorshihii ganacsadaha reer Nigeria Aliko Dangote ee ahaa inuu Kenya ka hirgeliyo warshad sibidhka soo saarta, kaas oo uu sheegay inuu caqabado la kulmay.
Sidoo kale, Ruto wuxuu tusaale u soo qaatay qorshihii Uganda ay doonaysay inay dhuun shidaal cayriin ah uga dhisto Kenya si ay saliidda ugu gudbiso Mombasa. Sida uu sheegay, qorshahaasi ayaa ugu dambeyn loo weeciyay dhanka Tanzania.
Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid maalin kaddib markii 133 qof oo deggan Chandavai ee Lamu ay Maxkamadda Deegaanka iyo Dhulka ee Malindi ka dalbadeen in la joojiyo hawlaha la xiriira warshadda. Dadkaasi waxay dacwaddooda ku salaynayaan sheegashooyin la xiriira lahaanshaha dhul awoowayaal, magdhow iyo dib-u-dejin.
Arrinta muranka dhulka iyo magdhowga ayaa sidaas darteed weli ka mid ah caqabadaha ku xeeran mashruuca, iyadoo dowladda Kenya ay sheegtay inay doonayso in mashruucu u socdo sidii loo qorsheeyay.
Home Wararka Kenya Madaxweyne Ruto oo sheegay in Arbacada maanta ah la dhagax-dhigayo warshadda sifaynta...




