Madaxweyne William Ruto ayaa ka jawaabay dhaleeceynta loo jeediyay dowladdiisa ee ku saabsan sida ay u maareyneyso waaxda waxbarashada, isagoo sheegay in xukuumadda Kenya Kwanza ay dhaxashay nidaam ay ka jireen dhibaatooyin culus markii uu xilka la wareegay 2022.
Isagoo Isniintii ka hadlayay ismaamulka Kisumu, intii lagu jiray kulan lagu xoojinayay awoodda dhallinyarada, Ruto ayaa tilmaamay caqabado ay ka mid yihiin macallimiin yari, maalgelin dib u dhac ku timaadda, iyo culeys dhaqaale oo saaran jaamacadaha.
Waxaa uu sheegay in sanadkii 2022 waxbarashada ay la tacaaleysay dhibaatooyin badan, sida lacagta arday kasta loogu qoondeeyo oo yarayd, macallimiin aan ku filneyn, maalgelinta waxbarashada oo hooseysay, iyo barnaamijyo jaamacadeed oo burbur ku jiray.
Sidoo kale waxaa uu xusay in xilligaas jaamacadaha dowladda ay wajaheen culeys dhaqaale oo xooggan, isla markaana dhowr jaamacadood ay halis ugu jireen in la xiro isagoo sheegay in 21 jaamacadood ay wajahayeen khatar xiritaan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay dhaleeceynta mucaaradka, gaar ahaan tan la xiriirta manhajka ku dhisan xirfadaha iyo awoodaha ardayga. Waxaa uu sheegay in dhibaatooyin badan oo ka jira waaxda waxbarashada ay ka dhasheen maamul xumo iyo khaladaad hore oo dhacay xilliyadii maamulladii hore, halkii ay si toos ah uga imaan lahaayeen manhajka laftiisa. Hadalladiisa ayaa u muuqday kuwo ku wajahan wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Fred Matiang’i, oo hore u soo noqday wasiirka waxbarashada, isla markaana si cad uga hadlay caqabadaha ka jira manhajkan.
Ruto ayaa sheegay in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ay isku dayayaan inay talo ka siiyaan dowladdiisa arrimaha waxbarashada, balse dowladda ay hadda saxayso khaladaadkii hore. Waxaa uu tilmaamay in xilliyadii hore ay jireen fasallo aan macallimiin lahayn, lacagta arday kasta loo qoondeeyo oo yarayd, iyo dhaqaale yari ka jirtay jaamacadaha iyo kulliyadaha farsamada.
Sida uu sheegay hoggaamiyaha qaranka dowladdiisa ayaa qaaday tallaabooyin lagu xallinayo caqabadahaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin shaqaaleysiinta kumannaan macallimiin ah si loo buuxiyo baahida jirta, iyo hubinta in lacagaha waxbarashada si waqtigeeda ah loo gaarsiiyo dugsiyada si aanay u hakannin howlaha waxbarashada.
Home Wararka Kenya Madaxweyne Ruto oo difaacay waxqabadka waxbarashada isagoo sheegay in khaladaadku ka bilowdeen...




