Madaxweynaha Kenya oo u hambalyeeyay dhigiisa Congo

0
211

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhigiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC ,Felix Tshisekedi oo markii labaad loo doortay hoggaanka wadankaasi.
Dr. Ruto ayaa qoraal ku sheegay in doorashada dalkaasi ka dhacday ay tahay tallaabo wayn oo dhanka taariikhda dimuqraadiyadeed ah.
Guusha Tshisekedi ayuu ku tilmaamay mid uu muteystay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu rajeynaya in dib u doorashada madaxweynaha Congo ay horseedi doonto xoojinta xiriirka ka dhexeya Kenya iyo DRC si labada waddan ay iskaashigan uga wada faa’iidaystaan.
Waxaa sidoo kale madaxweynaha Congo u hambalyeeyay hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga iyo madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Kenyatta ayaa Tshisekedi ku boorriyay inuu dalkaasi ku hoggaamiyo midnimo si DRC loogu soo dabbaalo nabad waarta.
Waxaa uu ugu baaqay inuu la shaqeeyo intii u codeysay iyo kuwa aan u codeyn dhammaantood.
Raila Odinga ayaa dhankiisa shacabka Congo ku bogaadiyay inay si nabad ah codkooda ku dhiibteen .
Felix Tshisekedi ayaa ku soo baxay doorashadii guud ee Congo ka dhacday 20-kii bishii 12-aad ee sanadkii hore oo uu natiijadeeda shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay guddiga doorashooyinka dalkaasi.
Guddigan ayaa laga soo xigtay in Felix Tshisekedi uu soo hooyay boqolkiiba 73 ee codadkii la dhiibtay halka musharraxii ugu soo dhawaa , Moise Katumbi uu helay boqolkiiba 18 ee codadka.
Madaxa guddiga doorashooyinka ee DRC Congo, Denis Kadima ayaa caasimadda dalkaasi ee Kinshasa ka sheegay in madaxweynaha markii labaad la doortay uu helay in ka badan 13 milyan oo codad ah.
Codadkii saxda ahaa ee la tiriyay ayaa ahaa ugu yaraan 18 milyan waxaana codeynta u soo baxay in ka badan boqolkiiba 43 ee dadkii is diiwaangeliyay.