Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta tagay ismaamulka Busia si uu shacabka halkaasi ku nool uga mahadceliyo inay 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ay u doorteen madaxweynaha wadanka.
Waxaa madaxweynaha munaasabad ka qabsoontay fagaaraha Busia Stadium ku wehelinayay barasaabka dowlad deegaankaasi Paul Otuoma iyo siyaasiyiin kale.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ismaamulkaasi uu dowladda dhexe kala shaqeyn doono dhaqangelinta mashaariicda horumarineed si dhaqaalaha loo kobciyo oo shaqo abuur loogu sameeyo kumannaan dhallinyaro oo shaqo la’aan ah.




