Madaxweynaha dalka oo la kulmay boqoradda Netherlands

0
290

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi kula kulmay boqoradda Netherlands Queen Máxima .
Boqoradda ayaa sidoo kale ah ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres u qaabilsan in maalgelinta horumarka ay noqoto mid loo dhan yahay.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka ka dhexeya Kenya iyo Netherlands si ay iskaga caawiyaan haleelidda hadafyada horumarka waara ee SDGs ee ay wadaagaan.
Dhinacyada ay labadan dowladood iska kaashanayaan waxaa ka mid ah in ismaamulka Turkana iyo dowlad deegaannada dariska la ah laga dhiso warshad soo saarta kalluunka oo hirgelinteeda ay ku baxaysa 1.52 bilyan oo shilin.
Sidoo kale waxay ka wada shaqeynayaan dhaqangelinta barnaamij dhanka beeraha ah oo lagu kordhinaya ganacsiga la xiriira wax soo saarka beeraha ee labada dhinac.
Dowladda Netherlands ayaa sidoo kale sheegtay inay ka go’an tahay in Kenya ay kala shaqeyso la dagaallanka cudurka kansarka ee carruurta .
Waxaa arrinkan iska kaashan doono xarunta Princess Maxima Centre for Pediatric Oncology ee Netherlands iyo isbitaalka wayn ee Moi .
Sidoo kale Netherlands ayaa gacan ka gaysan doonto dadaallada ay Kenya kula tacaalaysa saameynta isbeddelka ku yimaada cimillada.
Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha shaqaalaha iyo dhaqaalaha ee dalka Austria Dr. Martin Kocher.
Waxaa uu ganacstada dalkaasi ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jiro gudaha Kenya sida dhanka tikonolojiyadda isgaarsiinta , biyaha, caafimaadka iyo dhaqaalaha.
Waxaa uu sheegay in dowladda Kenya uu qiimo wayn u leeyahay xiriirka hoose ee kala dhexeya dalka Austria.
William Ruto ayaa tilmaamay in dowladdu ay doonaysa in xiriirkan sare loo sii qaado si loo kobciyo ganacsiga , shaqaaleysiinta iyo in dalagyada ka soo go’o beeraha dalka suuq loo helo.