Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku baaqay midnimo qaran isagoo ka digay siyaasadda ku saleysan kala qaybinta dadweynaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dadka adeegsada qabyaaladda iyo abaabulka qabiilka ku saleysan aynan fursad uga bannaaneyn waddanka.
Ruto ayaa xusay in shacabka ay doonayaan madax leh qorsho horumarineed sidaasi awgeedna la ceebeyn doono kuwa faafinaya naceybka iyo kala qaybsanaanta.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa tilmaamay in mas’uuliyiinta laga doonayo in ay gudbiyaan farriimaha nabadgalyada iyo midnimada.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu maanta aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu ku qaabilay ilaa 6,500 oo qof oo ka mid ah kaniisadaha Wakorino.
Waxaa uu si cad u sheegay in kuwa damacsan in ay shacabka ku kala qaybiyaan siyaasadda qabyaaladeysan aynan guulaysan doonin.
Madaxweynaha ayaa kenyaanka u xaqiijiyey in uunan marnaba ka daali doonin mideynta qaranka,nabadgalyada iyo xasilloonida.
Dhanka kale, madaxweyne William Ruto ayaa ku taliyey in shacabka ay is ixtiraamaan oo ay isku dulqaataan iyadoo aan la eegayn kala duwanaanshaha siyaasadeed, isir mise diimeed.
Waxaa uu shaaciyay in kaniisadaha Akorino lagu taageeri doono 50 milyan oo shilin si ay u aasaasaan ururro maalgashi.
Sidoo kale ,waxaa uu sheegay in 50 qof oo kaniisadahan xubno ka ah oo dhameystay tababarka macallinnimo la shaqaaleysiin doono.




