Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa warbaahinta ku boorriyay in ay dhacdooyinka la xiriira dibadbaxyada u tabiyaan si xilkasnimo leh.
Waxaa uu ku baaqay in laga fogaado dhiirrigelinta shaqaaqooyinka ama u dabbaal degga mudaaharaadyada rabshadeysan, burburinta hantida iyo qaska.
Madaxweynaha ayaa xilli uu ku sugnaa kaniisad ku taalla degmada Chebango ee ismaamulka Bomet sheegay in cid kasta oo ay warfidiyeennada ka mid yihiin ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii loo xaqiijin lahaa in Kenya aynan qaadin jaho qaldan.
Ruto ayaa sheegay in haddii dalka uu burburo aynan jiri doonin wax la soo tabiyo iyo meel laga warramo labaduba.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii maamulka isgaarsiinta dalka ee (CA) uu warbaahinta uga digay in ay dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda u tabiyaan si xadgudub ku ah dastuurka.
Agaasimaha maamulkan David Mugonyi ayaa sheegay in loo baahan yahay in aan la buunbuunin dacaayadda keeni karto dagaal ,kicinta shacabka si ay rabshad u sameeyaan, hadallada naceybka ku saleysan iyo u ololeyntooda.