Madaxweynaha dalka oo amray in tallaabo laga qaado shakhsiyaadka aan ilaalin xeerarka taraafikada

0
183

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay xaqiijinta badqabka dhanka waddooyinka.
Waxaa uu maamullada kala duwan amar ku siiyay in ay tallaabooyin adag oo sharciyeed ka qaadaan shakhsiyaadka iyo gaadiidleyda aan u hoggaansamin xeerarka waaxda taraafikada.
William Ruto ayaa sheegay in ay qasab tahay in la joojiyo fududeysiga nidaamyada degsan ee looga hor tago shilalka.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay adeegsiga horumarka tiknolojiyadeed si dabagal loogu sameeyo u hoggaansan la’aanta sharciyada gaadiidka iyo in la soo saaro ganaaxyo degdeg ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in maamulkiisa uu la tacaalaya falalka musuqmaasuqa ee ay sameeyaan booliiska taraafikada ee baabuurta kala haga.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in lacagaha laaluushka ee ay qaataan ay horseedday in ay iska indha tiraan gaadiidka sida xowliga ah loo kaxeeyo taasi oo ka mid ah waxyaabaha sababa shilalka.
Madaxweynaha dalka ayaa arrintan ka hadlay xilli uu xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi uu ku daahfuray qorsho howleedka qaran ee badqabka dhanka waddooyinka ee sanadkan 2024 ilaa sanadka 2028-da.
William Ruto ayaa sheegay in ay qasab tahay in dhaqangelinta qorshahan uu suurtageliyo in muddo sanad gudaheeda ah ay boqolkiiba 50 yaraadaan dhimashooyinka iyo dhaawacyada ka dhasha shilalka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa shacabka ku boorriyay in ay doorkooda ka qaataan sidii hoos loogu dhigi lahaa dhacdooyinka shilalka ee laga soo tabiyo gudaha wadanka.