Madaxtooyada dalka oo beenisay in madaxweynaha uu shaqo u ballan qaaday Morara Kebaso

0
270

Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamad ayaa gaashaanka u daruuray hadal uu jeediyay shakhsi dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Morara Kebaso oo xalay u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen.
Morara ayaa dhawaan baraha ay bulshada ku wada xiriirto ku soo bandhigayay muuqaallo uu ku dhaliilaya dowladda gaar ahaan in aynan ka dhabeyn ballanqaadyada ku saabsan fulinta mashaariicda horumarineed.
Waxaa uu wareysiga ku sheegay in madaxweynaha dalka William Ruto uu la soo xiriiray isagoo u ballanqaaday shaqo wanaagsan.
Hasa ahaate, afhayeenka madaxtooyada Xuseen Maxamad ayaa taasi been abuur ku tilmaamay.
Waxaa uu Xuseen sheegay in madaxweyne William Ruto uu soo dhaweynaya la xisaabtanka maamulkiisa ee ay ku howlan yihiin shakhsigan iyo kenyaanka kale balse loo baahan yahay in aan kenyaanka lagu marin habaabin arrin aan sax ahayn.
Xuseen Maxamad ayaa intaasi ku daray in mashaariicda uu Kebaso soo bandhigay ee uu hakadka ku yimid ama aan la dhameystirin ay yihiin kuwo uu daahfuray maamulkii hore sidaasi awgeedna madaxweyne William Ruto ay ka go’an tahay inuu dhameystiro barnaamijyadan.
Hasa ahaate, Morara Kebaso oo ka falcelinayay jawaabta Xuseen Maxamad ayaa ku adkeystay in madaxweynaha uu isaga si gaar ah ula soo xiriiray oo ay dhici karto in afhayeenka uunan taasi ka war qabin.
Waxaa uu ka dalbaday inuu kenyaanka uga jawaabo sababta aan loo dhameystirin mashaariic lagu qarash geliyay balaayiin shilin sida uu hadalka u dhigay.