Madaxa xuquuqul insaanka ee QM oo ka dayriyay xaaladda Daanta Galbeed

0
264

Madaxa xuquuqul aadanaha ee qaramada midoobay Volker Turk ayaa golaha xuquuqul insaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa u sheegay in xaaladda ka taagan Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin ay tahay mid sii xumaanaysa oo walaaceeda leh.
Waxaa uu sheegay in halkaasi ay ka socdaan dilal sharci darro ah oo loo gaysanaya Falastiiniyiinta.
Sidoo kale waxaa uu xusay in dhimasho uunan damiirku qaadan karin iyo dhibaateyn ay ka jirto Marinka Qaza.
Waxaa uu sheegay in laga soo billaabo bishii Tobnaad ee sanadkii hore ilaa 15-kii bishan June la dilay 528 qof oo Falastiniyiin oo ay ka mid yihiin 133 carruur ah.
Sidoo kale , waxaa muddadan Daanta Galbeed lagu dilay 23 Israa’iiliyiin ah oo ay ka mid yihiin 8 ah saraakiisha ammaanka.
Labo toddobaad ka hor ayay ahayd markii uu mas’uulkan sheegay in Daanta Galbeed ay maalinba maalinka ka dambeysa ka socoto dhiig daadin aan horay loo arag.