Maxkamad ku taalla dalka Tunisia ayaa madaxa mucaaradka ee wadankaasi Rached Ghannouchi ku xukuntay xabsi saddex sano ah.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu eedeyay siyaasigan iyo xisbiga uu hoggaamiyo ee Ennahda Party inay soo qaateen lacago shisheeye.
Waxaa sidatan ku warrantay wakaallada wararka rasmiga ee dowladda Tunisia ee (TAP).
Maxkamadda oo sidoo kale qaabilsan musuqmaasuqa maaliyadeed ayaa xisbiga Ennahda ku ganaaxday 1.1 milyan oo doolar iyo 470,000 oo doolar.




