Guddiga caalamiga ee hay’adda Laanqeerta Cas ayaa sheegay inay biyo la’aan haysato dadweynaha ku nool magaalada bari ee dalka Ukraine ee Mariupol .
Madaxa isgaarsiinta ee ICRC Jason Straziuso ayaa sidatan u sheegay warbaahinta Aljazeera.
Magaalada Mariupol ayaa muddo labo toddobaad ah waxaa ka socdo duullaanka militari ee ay dowladda Ruushka ku qaaday Ukraine taasoo sababtay in magaladaasi aan la gelin ama laga soo bixin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baabuur gargaar sido ay ku xanniban yihiiin duleedka Mariupol.
Jason Straziuso ayaa xusay inay jiraan komanaan qoysas ah oo biyo la’aan awgeed ay xaaladdooda nololeed halis tahay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo duqa magaalada Mariupol uu sheegaya in 1,500 oo qof lagu dilay duqeyn socotay 12 cisho.
Dhanka kale saraakiisha maxalliga ee Ukraine ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 9 qof lagu dilay halka 57 kalena lagu dhaawacay weerar uu Ruushku ka gaystay sadhigi militari oo ku yaalla galbeedka wadankaasi gaar ahaan xadka Ukraine iyo Poland.




