KWS oo gacanta ku dhigtay hilibka duurjoogta oo si sharci-darro ah loo helay

0
84

Ilaalada Hay’adda Duurjoogta Kenya ee KWS ayaa deegaanka Tana River ku qabatay hilib iyo mayd xayawaan duurjoog ah oo si sharci-darro ah loo ugaarsaday.
Saraakiisha KWS ayaa sheegay in dadka looga shakisan yahay ugaarsiga sharci-darrada ah ay goobta ka baxsadeen ka hor inta aan la qaban.
Hay’addu waxay dadka deegaanka uga digtay ugaarsiga sharci-darrada ah iyo isticmaalka hilibka duurjoogta ee aan si sharci ah loo helin, iyadoo xustay in falalka noocaasi ah ay khatar ku yihiin ilaalinta duurjoogta isla markaana ay keeni karaan tallaabo sharci ah.
KWS ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada lagu la dagaallamayo ugaarsiga sharci-darrada ah iyo ganacsiga hilibka duurjoogta ee Tana River iyo guud ahaan dalka.