EACC oo diyaarinaysa liiska musharraxiinta siyaasadda ee lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo arrimaha anshaxa

0
59

Guddiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Kenya, EACC, ayaa bilaabay habka lagu aqoonsanayo musharraxiinta siyaasadeed ee lagu eedeeyay arrimo la xiriira musuqmaasuq iyo ku xadgudubka anshaxa, xilli dalka uu isu diyaarinayo doorashada guud ee 2027.
Agaasimaha Guud ee EACC, Abdi Mohammud, oo ka hadlay magaalada Nairobi, ayaa sheegay in waxa loo yaqaan “Liiska Ceebta” ee guddiga uu si tartiib ah u sameynaya, isla markaana loo gudbin doono Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya, IEBC, ka hor doorashada.
Si kastaba ha ahaatee, EACC ayaa sheegtay in caqabado dhanka sharciga ah ay suuragal tahay inay hor istaagaan in qaar ka mid ah dadka liiska lagu daro laga mamnuuco inay u tartamaan xilalka siyaasadeed.
Abdi Mohammud ayaa xusay in IEBC ay hore u caddeysay in qof aan laga hor istaagi karin inuu u tartamo xil siyaasadeed ilaa uu dhammeysto dhammaan fursadaha racfaanka ee sharcigu siinayo.
Guddoomiyaha EACC, David Oginde, ayaa dhanka kale sheegay in shacabka Kenya ay iyaguna masuuliyad ka saaran tahay inay doortaan hoggaamiyeyaal dhowra daacadnimada iyo anshaxa.
Oginde ayaa sheegay in guddigu si dhow ula socdo siyaasiyiinta, isagoo walaac ka muujiyay siyaasiyiin lagu eedeeyay adeegsiga hadallo aflagaado ah iyo hurinta siyaasadaha ku saleysan qowmiyadaha.
Wuxuu sheegay in dhaqamada noocaas ah aysan waafaqsanayn mabaadi’da ku xusan Cutubka Lixaad ee Dastuurka Kenya, isagoo ka digay in siyaasiyiinta lagu helo falalkaas lagu dari karo liiska EACC ka hor doorashada.
Doorashadii guud ee Kenya ee sanadkii 2022, EACC waxay IEBC u gudbisay liis ay ku jireen 241 musharrax siyaasadeed oo lagu sheegay inay jiraan arrimo la xiriira daacadnimadooda iyo eedeymo musuqmaasuq.