Kuwait iyo Sacuudi Carabiya oo ka wada hadlay iskaashi milatari

0
606

Wasiirka Difaaca ee Kuwait Sheikh Abdullah Ali Abdullah Al-Salem Al-Sabah ayaa wadahadal khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka dhaxal sugaha ee Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman.
Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed ay soo saartay dhinaca Kuwait, wadahadalku wuxuu diiradda saaray iskaashiga iyo isku-dubaridka dhinacyada militariga iyo difaaca.