Kumanaan qof oo laga cabsi qabo in ay macluul ugu geeriyoodaan Qaza

0
210

Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan isku duwidda gargaarka baniaadannimo ee OCHA, ayaa sheegay in laga cabsi qabo in kumanaan qof oo Falastiiniyiin ah ay macluul ugu dhintaan Qaza.
Tani ayaa loo aaneeyay in Israa’iil ay si joogto ah hay’adaha gargaarka ugu diidaysa inay gurmad gaarsiiyaan Waqooyiga iyo Koonfurta Qaza.
OCHA ayaa intaasi ku dartay in sidoo kale la weeraraya kolonyada baabuurta ee sida gargaarka baniaadannimo.
Ugu yaraan 576,000 oo qof ayaa qarka u saaran macluul sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan hay’adaha samafalka.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa dhankeeda sheegaysa in carruurta ay u geeriyoonayaan fuuqbax.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha militari ee ay weli Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 29,878 qof halka 70,215 kalena la dhaawacay.