Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo booqasho rasmi ah ku joogo Kenya

0
278

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmad ayaa booqasho rasmi ah ku joogo wadanka.
Shalay ayay ahayd markii uu ka soo degay garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay waxayna si wadajir ah u fureen shirkadda qaabilsan dhoofinta badeecooyinka ee Samasource laanteeda Kenya.
Madaxweyne William Ruto ayaa xusay inay si gaar ah diiradda u saarayaan maalgashiga dhanka kaabayaasha ICT-da.
Tani ayuu xusay in ay Kenya u horseedi doonto in dhaqaalaheeda uu noqdo mid ku saleysan adeegsiga xirfadaha wax soo saarka.