Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu maraya dhaqangelinta heshiiskii ay la gaareen dowladda sare ee horseeday in ay soo afjaraan shaqo joojintii muddo socotay.
Heshiiskan ayay dhakhaatiirta iyo dowladda wada saxiixdeen 8-dii bishii hore ee May.
KMPDU ayaa sheegtay in is-afgaradkii ay gaareen uu noqday miro dhal.
Dareenkan ayay muujiyeen ka dib kulan ay la qaateen xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee dalka Mary Muriuki .
Dhakhaatiirta ayaa lagu wargeliyay in saraakiisha caafimaadka ee tababarrada soo dhameystay mushaarkoodii aan la siin bishii Afaraad la siin doono marka ay qaadanayaan mushaarka bishan Lixaad.