Kindiki oo maxkamadda ka dalbaday inuu su’aalo weydiiyo dhakhtarka Rigathi Gachagua ee kiiska xil ka qaadista

0
211

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa maxkamadda ka dalbaday in loo oggolaado inuu su’aalo weydiiyo dhakhtarka wadnaha ee Dr. Daniel Kibuka Gikonyo, ka dib warqad dhaar ah oo dheeri ah oo laga gudbiyay kiiska la xiriira xil ka qaadistii madaxweyne ku xigeenkii hore ee waddanka Rigathi Gachagua.
Kindiki ayaa ku sheegay warqad jawaab celin ah in dhaarta uu Dr. Gikonyo gudbiyay 28-kii bishii hore ee April ay xambaarsan tahay arrimo caafimaad iyo xaqiiqooyin muran ka taagan yahay, kuwaas oo uu sheegay inaan lagu xaqiijin karin qoraal oo keliya balse ay u baahan yihiin in af ahaan loo baaro. Kiiskan ayaa qayb ka ah dacwad dastuuri ah oo lagu diiddan yahay hanaankii Aqalka Senate-ka uu u maray xil ka qaadistii Gachagua.
Qareennada Kindiki ayaa ku dooday in warbixinnada caafimaad ee la lifaaqay aan horay loogu soo bandhigin Golaha Aqalka Sare xilligii dacwadda xil ka qaadista socotay, inkastoo golahaas uu ahaa meesha dastuuriga ah ee arrinta lagu go’aaminayay. Waxa aay sidoo kale su’aal geliyeen waqtiga la sameeyay qiimeynta caafimaad, sida loo diyaariyay dukumiintiyada iyo sababta dib loogu dhigay soo bandhigiddooda.
Dhankiisa, Dr. Gikonyo ayaa maxkamadda u sheegay inuu 17-kii bishii October 2024 baaritaanno caafimaad oo dhammaystiran ku sameeyay Gachagua si loo ogaado xaaladdiisa caafimaad. Waxaa uu sheegay in calaamadaha uu arkay ay waafaqsan yihiin xaalado wadne xanuun oo suurtagal ah, gaar ahaan dadka da’doodu ka weyn tahay 45 sano. Gachagua ayaa markii dambe laga saaray isbitaalka 20-kii bishii October, balse xilligaas Golaha Aqalka Sare ayaa hore ugu helay dambi 11 eedood isla markaana xilka uga qaaday. Haatan Gachagua ayaa markhaatifurka dhakhtarka u adeegsanaya inuu ku muujiyo in xil ka qaadistiisa aysan waafaqsanayn dastuurka.