Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa kenyaanka ku wargelisay inuu billowday xilliga qabobaha ah sidaasi awgeedna laga doonaya in ay adeegsadaan dharka culus ee dhaxanta looga gaashaanto.
Cimilladan ayaa si gaar ah u saameyn karta buuralayda gobolka Bartamaha dalka iyo aagga Nairobi.
Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee dalka Dr. David Gikungu ayaa arirnkan shaaca ka qaaday xilli uu soo bandhigayay warbixinta saadaasha ee bishan ilaa bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ismaamullada qabowga laga dareemi kara ay ka mid yihiin Laikipia, Meru, Embu, Kirinyaga, Nairobi, Kiambu, Murang’a, Tharaka Nithi ,Machakos iyo Makueni.
Dhanka kale , waxaa saadaasha ku cad in roobab uu heerkoodu dhexdhexaad yahay ay ka di’i karaan ismaamullada Turkana, West Pokot, Baringo, Kakamega, Bungoma, Vihiga, Kisumu, Migori, Nandi, Narok, Uasin Gishu, Bomet, Nyandarua, Nakuru, Kisii, Nyamira iyo Homabay .