Kenya oo loo ansixiyay qaadashada amaah dhan 78 bilyan oo shilin

0
215

Sanduuqa Caalamiga ee Lacagaha ee IMF ayaa ansixiyay amaah lacageed oo dhan 78 bilyan oo shilin oo la siinaya dowladda Kenya.
Dhaqaalahan ayaa gacan ka gaysan doono fududeynta culeysyada maaliyadeed ee dalka ka jiro iyo xoojinta u adkeysiga saameynta isbeddelka cimillada.
Agaasime ku xigeenka koowaad ee IMF Gita Gopinath ayaa sheegtay in dhaqaalaha Kenya uu sameeyay kobac joogto ah marka loo barbardhigo dalalka kale ee gobolka.