DHEGEYSO:Boqolaal Burundian ah oo Nairobi uga diyaargarowaya safar ay dalkooda ugu laabtaan

0
259

Boqolaal muwaadiniin Burundi ah oo Kenya ku nool ayaa safaf dhaadheer ugu jira Safaaradda Burundi ee Nairobi, iyagoo raadinaya ama cusboonaysiinaya dukumentiyada safarka.
Boqolaal qof oo Burundi ah ayaa isugu yimid safaaradda Burundi ee ku taalla Dennis Pritt Road, Nairobi.
Safaaradda ayaa bilowday bixinta dukumentiyo safar oo degdeg ah oo la siinayo muwaadiniinta Burundi ee aan isticmaali karin baasaboorradooda.
Si kastaba ha ahaatee, sarkaal ka tirsan safaaradda ayaa sheegay in arrintani aysan si gaar ah ula xiriirin xaaladda hadda taagan, balse ay tahay adeeg qunsuliyadeed oo safaaraddu si joogto ah u bixiso. Waxaa dukumentiyo la siiyaa dadka baasaboorradoodu dhacay ama aan haysan dukumentiyo sax ah.
Qaar ka mid ah muwaadiniinta Burundi ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.