Kenya oo dalalka hodanka ah ka dalbatay maalgelin cimilada oo deeq ah

0
40

Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday dalalka horumaray inay Afrika siiyaan deeqo lacageed iyo maalgelin shuruudo fudud leh oo wax looga qabanayo isbeddelka cimilada, iyadoo sheegtay in qaaradda Afrika aanay kaligeed qaadi karin kharashka ka dhashay dhibaato aysan qayb weyn ku lahayn abuuristeeda.
Wasiirka deegaanka ee Kenya, Deborah Barasa, ayaa hadalkan ka sheegtay shirkii wasiirrada Afrika ee deegaanka, halkaas oo ay ku adkaysay in maalgelinta la xiriirta isbeddelka cimiladu ay tahay waajib sharci ah iyo arrin la xiriirta caddaaladda cimilada.
Wasiirad Deborah Barasa ayaa sheegtay in shirweynaha COP31 ee lagu qabanayo magaalada Antalya ee dalka Turkiga, ay tahay in diiradda lagu saaro laba arrimood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah maalgelinta la dagaallanka isbeddelka cimilada iyo la qabsiga saameyntiisa.
Waxay sidoo kale tilmaantay in in ka badan kala bar dhaqaalaha loogu talagalay wax ka qabashada isbeddelka cimilada ee Afrika uu ku yimaado qaab deymo ah, kuwaas oo qaarkood leh shuruudo u dhow kuwa deynta ganacsiga.
Waxay dalbatay in dhaqaalahaasi lagu bixiyo deeqo toos ah iyo maalgelin leh shuruudo fudud, iyadoo sidoo kale ku baaqday in la fuliyo ballanqaadyadii hore ee ahaa in sannad kasta la helo 300 bilyan oo doollar oo loogu talagalay maalgelinta cimilada.
Dhanka kale, wasiiradda ayaa tusaale u soo qaadatay abaarihii ba’naa ee Kenya soo maray intii u dhexeysay 2020-kii ilaa 2023-kii iyo fatahaadihii dhacay sannadkii 2024-kii, iyadoo ku baaqday in la kordhiyo dhaqaalaha lagu caawinayo bulshooyinka ay saameeyaan musiibooyinka cimiladu.
Waxay intaas ku dartay in Kenya ay sii waddo barnaamijkeeda FLLoCA, kaas oo dhaqaalaha loogu talagalay wax ka qabashada isbeddelka cimilada si toos ah loo gaarsiiyo ismaamullada iyo bulshooyinka deegaanka.